21-Ka November Maanta Oo Kale Maxaa Dunida Soo Maray? Qalinka: Maxamed M. Yusuf (Ilkacase)

21-kii November maanta oo kale sannadkii 1248-kii waxa Gacanta Muslimiinta ka baxday Magaalada Caanka ah ee Seville (Ishbiiliya إشبيلية) ee dalka Spain oo ka mid ahayd xadaaraddii islaamka ee maamulka Andalus (Spain), waxaana maalintaasi gacanta ku dhigay boqorkii Qastala Fernando oo ahaa boqor Fernandihii saddexaad ee dalkaasi Spain.
21-kii November 1386-kii waxa Hogaamiyihii caanka ahaa ee Timorlink uu gacanta ku dhigay Magaalada Taflis oo wakhtigaasi caasimad u ahayd boqortooyadii Georgia waxaanu gacanta ku dhigay boqorkii Georgia Bagrat kii shanaad oo uu maxbuus ahaan xabsiga ugu diray.
21-kii November 1789-kii maanta oo kale Gobolka Woqooyiga Carolina ee dalka Maraykanku waxa uu qaatay Dastuurka wadanka Maraykanka waxaana isla maalintaasi North Carolina loo aqoonsaday Gobolka 12-aad ee Goboladii dalka Maraykanka ee midoobayay oo markii dambe wada dhistay United States of America waxaanay noqonaysaa Woqooyiga Carolina gobolkii 12aad ee 52-ka Gobol ee Maraykanka ugu hor qaatay dastuurka Federaalka dalkaasi.
21-kii November 1877-kii maanta oo kale waxa dunida ku soo biiray hindise Saynis oo casri ah kadib markii saynisyahankii caanka ahaa ee Tomas Addison uu ku guulaystay in uu tijaabiyo oo ka shaqaysiiyo aaladda loo yaqaano Phonograph oo wakhtigaasi ahaa aalad dadku u isticmaali jiray Muusigga lagu dhagaysto ama codadka lagu duubo.
21-kii November 1931-kii maanta oo kale waxa ay ahayd maalintii ugu horraysay ee wadanka Kuwayt laga hir geliyey Kaniisad ay ku cibaadaystaan dadka masiixiyiinta ah ee dalkaasi safarka ku yimaaddaa. Kaniisaddaasi oo ahayd mid aad u weyn illaa maantana dadka gaalada ahi ku cibaadaystaan waxa ay ducooyinkeedu ku baxaan Luuqadaha Ingiriisida iyo Carabida waxaanay ku taallaa badhtamaha magaalada Kuwayt ee caasimadda wadanka Kuwayt iyada oo u dhaw cisbitaalka caanka ah ee Amrican Hospital. Markii hore dadka reer Kuwayt aadbay uga xanaaqeen kaniisaddaasi dalkooda laga dhisay balse waxa go’aankaasi qaadatay xukuumadda dalkaasi.
21-kii November 1949-kii maanta oo kale waa maalintii Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa qaraar rasmi ah ku soo saartay midnimada Gobolada wadanka Libya oo loo aqoonsaday Jamhuuriyadda Liibiya oo caasimadeedu tahay Tripoli.
21-kii November 1991-kii maanta oo kale waa maalintii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay loo doortay Boutros Boutros-Ghali oo dhalasho ahaan ka soo jeeday waddanka Masar ahaana nin Kiristaan ah. Boutros Boutros-Ghali waxa uu Noqday ninkii ugu horreeyey ee dalalka Carbeed ka soo jeeda ee loo magacaabo Xoghayaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.
21-kii November 1995-kii maanta oo kale waa maalintii lagu dhawaaqay heshiiskii caanka ahaa ee Nabadaynta ee Dayton kaasi oo lagu soo af-jaray dagaalkii muddada ka socday wadanka Bosnia and Herzegovina kaasi oo socday intii u dhaxaysay sannadihii 1992-kii illaa 1995 ahaana dagaal ay ku le’deen kumanaan qof oo Muslimiin Bosnian ah ahaa oo ay xasuuqeen Seerbiyaanka reer Bosnia.
21-kii November 2006 maanta oo kale waa maalintii shirqoolka lagu dilay Wasiirkii Warshadaha wadanka Lubnaan Biyaar Amiin Al-jumayl kadib markii rasaas oodda lagaga qaaday isaga oo ku sugan deegaanka Al-jadiidah oo ku taalla Beirut.
21-kii November 2008 maanta oo kale waa maalintii Golaha Baarlamanka wadanka Ruushka ee Duma uu go’aanka ku gaadhay in mudada Madaxweynaha wadanka Ruushku talada hayo la kordhiyo iyada oo ahayd 4 sanadood ay maalintaasi ka dhigeen 6 sanadood. Maalintaasi laga bilaabo muddo xileedka Madaxweynaha wadanka Ruushku waxa ay noqonaysaa Lix sanadood.
21-kii November 2011, maanta oo kale waxa ay ahayd maalintii ay is casishay xukuumaddii wadanka Masar ee Ra’iisal Wasaare Cisaam Sharaf kadib markii ay kacdoono ka soo cusboonaadeen Fagaaraha Taxriir iyada oo shacabka Masar ka cabanayeen hab-dhaqanka Golaha Millatari ee dalkaasi.
21-kii November 2013 maanta oo kale waxa ay ahayd maalintii mudaharaaddo xoog weyni ka bilaabmeen Fagaaraha Euro Square ee badhtamaha magaalada Kiev ee dalka Ukraine.
21-ka Bisha November maanta oo kale sannad walba waxa dunida laga xusaa maalinta Telefishanka oo ay qaramada midoobay u astaysay in la xuso taariikhda iyo horumarka aaladda muuq-baahiyaha loo yaqaano Television.

Maxamed M. Yusuf (Ilkacase) Mohamed Ilkacase