Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Socdaal Ku Gaadhey Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaas

Ceerigaabo – (warsoor) – Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo waftigii uu hogaaminaayey ee socdaalka ku maraayey toddobaadyadii ugu dambeeyey dhanka xeebaha iyo buurolayda gobolka Sanaag ayaa gaadhey degmada Xiis oo ku taalla xeebta galbeed ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa degaanadda ay marayeen si weyn loogu soo dhoweeyey, iyaga oo goobahaas warbixino kaga dhegaystay waxgaradka iyo waayeelka degaankaasi, waxa ay sidoo kale warbixino ka dhegaysteen qaar kamid ah masuuliyiinta dawladda u jooga degaankaasi, waxaanay tilmaameen dadka degaankaasi in aanay jirin xarumo dawladeed oo halkaas ka dhisan, iyaga oo intaas ku daray in dugsigii degaankaasi ay dabayli ka qaaday jiingadii.

Waxa ay sidoo kale dadka degaanku sheegeen in labadii dufaanood ee ugu dambeeyey in ay degmada waxyeelooyin soo gaadhsiiyeen, isla markaana ay dumiyeen guryo badan oo aanay ilaa hadda jirin cid wax ka qabatay,iyaga oo intaas ku daray in wadadii isku xidhaysay degmooyinka Maydh iyo Xiis in ay gooyeen duufaanadii oo ay qaadanayso in degmooyinkaas muddo dheer loo kala socdo.

Odayaasha degmada Xiis ayaa iyaguna sheegay in degmada aanay joogin wax ciidan bilays ahi joogin, isla markaana ay ciidamada Ilaaladda Xeebuhu ay ciidan u yihiin.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Sanaag Gashaanle Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle  iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan oo ugu baaqay bulshadda gobolka Sanaag in ay ka qayb qaataan sidii loo dhisi lahaa buundada u dhaxaysa degmooyinka Xiis iyo Maydh oo go’day, waxaanay tilmaameen in loo baahan yahay in layska kaashado sidii degmadda Xiis looga saari lahaa Go’doonka, iyaga oo sheegay in socdaalkoodu salka ku hayey in ay ogaadaan xaaladdaha degaanadaasi.