Xoghayaha Guud Ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Xilkii La Wareegay

Hargeysa – (warsoor) – Xoghaya guud ee dhawaan loo magacaabay Xisbiga Kulmiye Ibraahin Axmed Raabi ayaa xilkii kala wareegay xoghayihii hore ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf.

Munaasibadda Xilwareejinta oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xibiga Kulmiye ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyeyaasha garabyada Dhallinyarada C/najax Siyaad Aw Cabdi iyo Haweenka Dalays Shire Faarax waxaanay sheegeen in ay soo dhaweynayaan xoghayaha cusub Ibraahin Axmed Raabi sidoo kalena ay sagoonatiyaan xoghayihii hore ee xisbiga kulmiye Xasan Siciid.

Saleebaan Ciise Axmed (Xagla Toosiye) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ay ka jirto Dimuqraadiyad Buuxda oo aan Xisbiyada kale dhexdooda ka jirin, isaga oo xusay in aanay xisbiyada kale dhexdooda jirin xoghaye xil ku wareejiya xoghaye kale.

Xasan Siciid Yuusuf Xoghayihii hore ee Kulmiye ayaa ka waramay shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee uu soo qabtay mudadii dheerayad ee uu ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye sidoo kalena Xoghayaha Cusub Ibraahin Axmed Raabi, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mudada uu joogo xilka uu ka shaqayn doono isku duubnida iyo wada jirka xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen(Axmed Cabdi Dheere) oo xilka u kala wareejiyay labada masuul ayaa xoghayihii hore ku amaanay shaqadii ay soo wada qabteen iyo dedaalkii uu muujiyay mudadii uu xisbiga ka shaqaynayay waxaanu soo dhaweeyay xoghayaha cusub, isaga oo sheegay in ay la shaqayn doonaan.