Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo Baaq Diray

MUQDISHU – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda  federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida ay ula xanuunsanayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii maalmihii tagay ka da’ayey Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlayey shirka banbaxa golaha wasiirrada ee maanta ka bilowday muqdisho, ayaa faray wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maamulka gobolka Banaadir maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin.

Mudane Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan.