Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Bilawday Wajigii Labaad Ee La Dagaalanka Ayaxa Ku Habsaday Deegaano Ka Tirsan Dalka

Hargeysa – (WARSOOR) – Hawlgalkii labaad ee la dagaalanka Ayaxa ee dhinaca hawada ayaa lagu daahfuray madaarka Cigaal Intertional ee magaaladda Hargaysa,  kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan laba diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca iyo diyaarad kale oo dhinaca sahanka qaabilsanaan doonta.

Hawlgalkan oo ay iska kaashanayaan wasaarada horumarinta beeraha Somaliland iyo Hayada FAO, waxaa daahfurkii munaasibadaasi  ka qeyb galay Wasiirka Wasaaraddda Horumarinta Beeraha Somaliland , Madaxa FAO ee Somaliland iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Somalialnd.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay  Madaxa   Hay’adda  FAO ee Somaliland Maxamed Jaamac oo faahfaahiyay muhiimada wajiga labaad iyo sida ay uga go’antay in Somaliland laga cidhib tiro Ayaxa , waxaanu sheegay in la dagaalanka dhinaca hawada ee Ayaxu ay tahay in meel kasta lagula dagaalamo, waxaanu intaas ku daray in Ayaxa dalka imanayaa uu yahay mid dalka dibadiisa ka imanaya gaar ahaan wadamada jaarka  iyo mid ka hadhay Ayaxii hore  oo ah nooca loo yaqaano korkorada kaasoo kolba meel ka dilaacaya.

Madaxa FAO waxa uu intaas raaciyay in diyaradahaasi ay yihiin kuwo muddo dheer hawada ku jiri kara, islamarkaana qaadan kara sun fara badan oo lagu layn karo Ayax aad u fara badan.

Wasiirka hurumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ka hadlay halkaasi ayaa u mahad celinayo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha adduunka ee loo soo gaabiyo FAO, isaga oo tilmaamay in Ayaxani uu soo bilaabmay 20019 kii, waxaanu xusay in hay’adda FAO ay ka codsadeen diyaarado ka duwan kuwii hore oo casri ah, diyaarna ay u yihiin in dalka laga cidhib tiro Ayaxa si loo badbaadiyo beeraha iyo wax soo saarka dalka