Ceel Biyood Laga Hirgeliyey Xaafadda 27 May, Ee Magaalada Burco

Hargeysa – (warsoor) – Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Biyaha ee gobolka Togdheer ayaa Riig Biyood kala wareegay shirkadda Ceelasha qoda ee Quman.

Sida uu ku soo waramayo wariye Khaliil Barre Aw-raan oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Togdheer, ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay maamulaha shirkadda qodista Ceelasha ee Quman Siciid Cabdi Weyd, oo faahfaahin ka bixiyey qodista Ceelkaas cusub ee laga hirgaliyey xaafadda 27 may ee magaalada Burco, wuxuuna sheegay in Ceel biyoodkaasi uu wax weyn ka tari doono biyo yaraan ka jirtay xaafadaasi, isaga oo u mahad celiyey wasaaradda biyaha iyo hay’adda UNICEF, oo iyadu soo bxixisay dhaqaalihii lagu hirgaliyey Riig Biyoodkaas.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Togdheer Rashiid Faarax Cabdi iyo maareeyaha wakaaladda biyaha ee magaalada Burco Cabdixakiin Maxamed Maxamuud, oo shirkadda Quman uga mahadnaqay qodista Ceelkaas, oo ay hirgelisay hay’adda UNICEF, waxayna  sheegeen in shirkadaasi si wanaagsan u fulisay qodista Ceel biyoodkaas, iyaga oo tilmaamay inuu Ceel biyoodkaasi yahay mid biyo macaan isla markaana dabooli doona baahida dhanka biyaha ee kaamamka barakacayaasha ee xaafadda 27 may ee magaalada Burco, waxayna intaas ku dareen inuu waraabin doono qaybo magaalada Burco ka mid ah.