Hargeysa – (WARSOOR) – wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey cusbitaalka guud ee Berbera.
Sida uu ku soo waramayo wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud oo wakaalada wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Saaxil, waxaana ka qaybgalay maamulka gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, bahda caafimaadka ee gobolka Saaxil, maamulka Dekedda Berbera iyo masuuliyiin kale.
Ugu horeyn waxa halkaas hadal ka soo jeediyey isu-duwaha caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, oo sheegay in mashaariicda xadhiga laga jaray ay ka mid yihiin mishiinka baadhitaanka Covid-19, mishiinka buuxiya haamaha Ogsijiinta iyo laba Ambalas oo loogu talo galay Berbera iyo degmada Sheekh, isaga oo intaas ku daray in mishiinka baadhitaanka ee cudurka koroona fayras lagu sameeyey tijaabo iyada oo lagu baadhay dad tiradoodu gaadhayso afar boqol iyo shan iyo konton qof oo toban ka mid ah laga helay xannuunka.
Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay xubno ka socday guddida caafimaadka ee gobolka Saaxil, oo bogaadiyey mashaariicdaas laga hirgeliyey cusbitaalka Berbera, waxayna xuseen in ay waxweyn ka tari doonaan baahiyihii cusbitaalka ka jiray.
Geesta kale, xoghayaha dawladda hoose iyo masuuliyiin ka socday Dekedda Berbera oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimada ay qalabkaasi u leeyihin bulshada gobolka Saaxil, iyaga oo u mahad naqay cidkasta oo gacan ka geysatay.
Sidoo kale, maayarka Bebera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cabdishakuur Cidin) oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in mashiinkaas baadhitaanka covid-19, mishiinka Ogsijiinta iyo labada Ambalaas ay kaga baxday lacag dhan saddex boqol oo kun oo dollar.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, oo xafladaas ka hadlay ayaa isdultaagay baahida weyn ee loo qabay agabkaas caafimaad ee laga hirgeliyey cusbitaalka Berbera, wuxuuna bogaadiyey maamulka dawladda hoose ee Berbera, isaga oo ka codsaday wasiirka caafimaadka in wixii kale ee dhiman loo dhamaystiro cusbitaalka berbera.
Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay qorshayaasha wasaaradda caafimaadka ee ku aadan gobollada iyo degmooyinka dalka, isaga oo cadeeyey in guud ahaan dalka laga gaadhsiin doono mishiinadaas, wuxuuna sheegay in mishiinadaas iyo ambalaasyadaasi ay dabooli doonaan baahiyo ka jiray gobolka saaxil, isla markaana waxa uu u mahaceliyey maamulka degmada Berbera oo iyagu agabkaas ku wareejiyey wasaaradda caafimaadka.