Ciidamadda Booliska ee Gobolka Daad Madheedh oo Gacanta ku dhigay Maandooriyaha Khamriga & Gaadhigii Siday

Oodweyne – (warsoor) – Ciidamadda Booliska ee Gobolka Daad Madheedh ayaa maanta soo bandhigay xadi badan oo ka mid ah Maandooriyaha Khamriga iyo Gaadhigii siday,kadib markii ay ku soo qabteen hawl gal ay sameeyeen.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Daad Madheedh Maxamud Yuusuf Cige oo faahfaahin ka bixinayay Maandooriyahaas ay soo qabteen Ciidamadda Boolisku ayaa sheegay in Khamrigan gacanta lagu soo dhigay uu ku Jiro 10 Kartoon oo midkiiba ay ku jiraan 25 Litir ee nooca Daray Jiinka loo yaqaano, Waxa uu Taliyuhu xusay inay Ciidanka Boolisku mudo door ah daba socdeen Khamrigan waxa uu Taliyuhu intaas ku daray inay Ciidanku gacanta ku soo dhigeen Gaadhi Land Cruser ah oo Khamrigaas lagu soo qabtay.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Daad Madheedh waxa uu si adag uga digay dadka deegaankaasi ka wada Degsiimooyin Cusub taas oo uu ku tilmaamay mid sharci daro ah, Waxaanu intaas ku daray in Cidii samaysanaysa Berkad amase Degsiimo cusub ay hay’addaha ay khusayso uga soo qaadato sharci.

Sidoo Kale Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolkaasi Maxamud Cali Axmed Juba waxaanu ku amaanay Ciidanka Booliska ee Gobolka daad madheedh gaar ahaan kuwa degmadda Oodweyne soo qabshadda maandooriyahan oo dhibaato ku haya Bulshadda, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka daad madheedh waxa uu ka dalbaday Taliska guud ee Ciidanka Booliska inay ku soo xoojiyaan Gobolka Daad Madheedh Gaadiidka ay adeegsadaan Ciidanku oo haatan aad u kooban sida uu yidhi.