Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Xarun Caafimaad Ka Dhagax Dhigay Magaalada Boorama

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda horumrinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal ayaa xarun cusub oo loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka ka dhagax dhigay magaalada Boorama.

Sida uu ku soo waramayo wariye Cabdisalaan Bashiir Faarax (Cabdisalaan Saaha) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Awdal, waxa dhagax dhigeeda xaruntaas ka qayb galay guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal, maayarka degmada Boorama, isuduwaha caafimaadka ee gobolkaas iyo masuuliyiin kale, taas oo ay hirgelinayso dawladda hoose ee degmada Boorama.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay ilma Xaaji Nuur oo ah qoyska iyagu bixiyey dhulkaas, isla markaasna sheegay in ay u bixiyeen si looga hirgaliyo xarun caafimaad oo loogu adeego bulshada halkaas ku dhaqan, wuxuuna dhulkaas cabirkiisu dhan yahay 20 mitri iyo 30 mitr.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse, oo sheegay in deegaankaas ayna hore uga jirin xarun caafimaad, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin ka wasaarad ahaa, isaga oo intaas ku daray in ay ku dedaalayaan sidii ay goob kasta oo u baahan xarun caafimaad uga hirgelin lahaayeen.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Cawaale Faarax Cilmi, oo u mahadceliyey dadkii dhulkaas ku deeqay, wuxuuna maayarku intaas ku daray in ay dayactirkii sannadkan u bedaleen in ay dhisaan xarumo cusub oo caafimaad.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumrinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, oo u mahadceliyey qoyska ku deeqay dhulkaas laga dhagax dhigay xarunta caafimaad, isaga oo intaas raaciyye in marka uu dhamaado dhismuhu ay wasaaraddu ula diyaar tahay shaqaalihii ka hawl galai lahaa, agabkii caafimaadka iyo adeegyadii ay bixin lahayd xaruntaasi.