HARGEYSA – (WARSOOR) – Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa tababar u qabtay 26 hawl-wadeen maaliyadeed oo ka kala socday hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay ee ka hawl-gala Somaliland.
Tababarka oo ku saabsan xeerka lacagaha la dhaqo (Money Laundry) ayaa soo qayb-galayaasha la baray qaababka ay lacagaha la dhaqo uga ilaalin karaan hay’addaha ay ka tirsan yihiin iyo waxa la gudboon haddii ay lacagahaasi soo galaan system-kooda.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo ka hadlay shirkaasi ayaa ku booriyey ka soo-qayb-galayaashii shirkaa inay wixii ay ka barteen tababarka ay dib ugu celiyaan hay’addihii ay ka yimaadeen.
