Dilla – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo isku-xidhaysa magaalooyinka Dilla iyo Kalabaydh oo dhawaan ay hirgalisay wasaaradda hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland.
Madaxweynaha oo safarkiisan kooban ee uu ku tagay degmadda Dilla ay ku wehelinaayey Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland oo ay ku jireen wasiiradda Madaxtooyadda, Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Qorshaynta Qaranka, Duulista Hawadda iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.
Waxaa kulankan ka hadlay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiradda Qorshaynta, hawlaha guud iyo guryeynta, Duulista hawadda waxaanay tilmaameen muhiimadda ay leedahay isku xidhka wadooyinka iyo kaabayaasha dalka.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay dhismaha kaabayaasha isgaadhsiinta dalka waxaanu sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koobaad siisay isku xidhka magaalooyinka dalka.