Fadhiyaddii Golaha shacabka Soomaaliya oo Bilaabmay

Muqdisho – (warsoor) – Kulanka 20aad kalfadhiga 7aad ee golaha shacabka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka furmay xarunta kumeel gaadhka golaha ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha Kulanka Ayaa Ah

1-Akhrinta 1_aad Hindise-sharciyeedka Dib U Eegista Sharciga La Dagaalanka Burcad-Badeeda iyo Ka Hortaga Af Duubka Ee Sharciga LR. 36 April 1975.

2-Akhrinta 2aad Ee Dib U Eegista Miisaaniyadda 2020.