Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan Hordhac ah La Yeeshay Madaxda Maamul-goboleedyada

Dhuusamareeb – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Khayre iyo dhammaan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Dalka.