Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa dalka Soomaaliya.

Dadka la celinayo waxaa qasab ah in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka COVID-19 sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda.

Safaardda ayaa maalmihii la soo dhaafay  diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya,  iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman.

Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa qaadi doonta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya, waxaana ay dadku Tikit-yada jaran karaan ugu dambeyn 17-ka Bishaan May.

Dowrka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa noqonaya fududeynta sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya, sida ay safaaraddu sheegtay.

XIGASHO: SONNA