Tiradda Xanuunka Covid19 ee Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in 11 qof oo cusub laga helay xanuunka Covid19, ka dib markii baadhitaano lagu sameeyey 380.

Guud ahaan dadka uu xanuunkanu hayo Somaliland ayaa ah 23 qof. Xanuunkan waxaa ilaa hadda u dhintay 3 qof, waxaana ka bugsaday 3 qof oo kale.

dadka laga helay 17 qof waxay ku nool yihiin Hargeysa. 2 Qof oo Boorama, 1 qof oo Burco ah, 1 qof Berbera iyo iyo 1 qof oo Ceerigaabo ah.