Jamaame – (warsoor) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ku toogatay lix qof oo lagu eedeeyey inay basaasiin u yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Qoraal lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “maxkamad islaami ah” ay fulisay xukun dil ah oo lagu soo oogay lixdan qof, oo sida la sheegay “basaasiin u ahaa” sirdoonnada dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Nin qaadi u ah Al-Shabaab, oo warbaahintooda ay soo xigteen, ayaa sheegay in lixdan qof ay uu xukunkoodu uu yahay “xaddu-riddah” oo ah in la dilo, sida uu hadalka u dhigay.
Ragga maanta la dilay ayaa magacyadooda iyo dhinacyada ay “u shaqeynayeen” lagu sheegay: Valueimpression Placeholder
1 – Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dolwadda federaalka ee Soomaaliya.
2 – Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka.
3 – Cusmaan Cabdulle Afrax, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka.
4 – Xassan Hafow Saney, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
5 – Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley), oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
6 – Hilowle Bashiir Aadan, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
Toogashadan ayaa timid wax ka badan laba toddobaad un markii Al-Shabaab ay sidoo kale fagaare weyn oo ku yaal magaalada Bu’aale ee Xarunta gobolka Jubbada dhexe ay ku toogatay illaa 6 qof oo ay ku sheegtay inay basaasin u yihiin dowlado shisheeyeye iyo Dowladda Soomaaliya.
Inta badan dadka Al-Shabaab ay toogato ee lasoo eedeeyo ayaan helin nidaam caddaaladeed iyo qareeno u dooda inta badan, waxaana xukunkooda mar kasta lagu gooyaa qirasho la sheego inay sameeyaan.
Xigasho: Caasimada