Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland ayaa ku eedeeyey shirkadda Hass Petroleum inay hubaynayso kooxo qaswadayaal oo ka hawlo gala deegaanada Hoos yimaada gobolka Sool.
Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Cabdirashiid Ducaale Qanbi oo warseysi gaar ah siiyey Telefishanka Somali Cable ayaa ka war bixiyey Jabhad lagaga dhawaaqey Buuhoodle inay maal-galiyaan shaqsiyaad la garanayo iyo ganacsato ay ku jirto shirkadda Hass Petroleum.
Wasiirk ayaan sheegey in ninkan la sheegay inuu Jabhadda sameyso oo ay is xigaan garaad Cabdirisaaq uu reeraha u tago oo uu ku yidhaahdo ciidamo isii annaa lacag iyo hubba idin siinayee.
