Hargeysa – (warsoor) – Ciidamada aaga bari Somaliland ayaa gacanta ku dhigey gaadhi siday khamri tiro badan.
Ciidamada Booliska ee Aaga Bariga Somaliland oo qabtay shir jaraaid ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Khamri laga soo waariday Itoobiya oo gaadha 26 kartoon oo khamri ah. Khamrigan oo lagu soo qaaday gaadhi Laankuruusal ah.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Aaga Bariga Somaliland Gaashaalne Sare Cabdi Cali Xayd oo ku hadlaayey Afka Ciidanka ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay abaalgud lacageed siiyaan cidda soo sheegta mukhaadaraadka dalka la soo galinaayo.
