Hargeysa – (warsoor) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa maanta si wadda jir ah uga hadlay warar maal-mahan socday oo la xidhiidhay in Wasiirka maaliyadda Somaliland loo magacaabo ku-simaha wasaaradda Qorshaynta.
Wasiir ku-xigeenka qorsheynta Qaranka Somaliland Xuseen Ibrahim Buuni ayaa sheegay in Wasiirkii qorsheynta Qaranka Somaliland wuu hawlo caafimaad ku maqan yahay kuna maqnaan doono in muddo ah, maamulkii wasaaradda iyo hawl-maalmeedkeediiba ay sii waddaan isaga iyo agaasimaha guud ee qorsheynta qaranka.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in magacaabista kusimaha wasaaradda ee loo soo magacaabay wasiir Sacad ay tahay uun waayo aragnimadda uu wasaaradaasi shaqadeeda u leeyahay iyo wixii la talin ah sidii uu siin lahaa wasaaradda.
Wasiir Sacad ayaa isna dhankiisa sheegay in wax iska caadiya inay tahay in wasiir uu wasaarad kale ka noqon karo kusime, horena ay u dhacday oo xiligii uu ahaa wasiirka qorsheynta uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ku-simaha wasaaradda isgaadhsiinta iyo boosaha.
Halkan ka daawo shirka waraysiga HCTV la yeeshay wasiiraddan:
