Netherlands oo aqoonsatay Baasaboor Soomaaliga Diblomaasiga iyo Shaqaalaha

Muqdisho – (WARSOOR) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta.

โ€œWaxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-kaโ€ ayuu safiirka bartiisa ku qoray.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.