Kal-fadhigii 28-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Arrinta Saami-Qaybsiga Wakiillada Iyo Diyaar-Garowga Doorashooyinka

Hargeysa – (warsoor) – Kal-fadhigii 28-aadย ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa shirkii khamiista,ย lagaga dooday arrinta saami-qaybsiga kuraasta wakiillada iyo diyaar-garowga doorashooyinka.

Kalfadhigan golaha wasiiradda waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, waxaanay ka warb-bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahooda.

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood-dheer ka yeesheen, saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilladda Somaliland, waxaana doodaasi diiradda lagu saaray sidii saamiga wakiilada looga gun-gaadhi lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu u saaray  xubno guddi golaha wasiirada ah oo ka soo talo bixiya, inkasta oo ay arrinta saami-qaybsiga wakiilladu hortaallo golaha wakiilladda ee wakhigan fadhiya.

 Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caddeeyeen inay xukuumad ahaan   ka goโ€™an tahay qabsoomidda doorashooyinka oo xilligooda ku dhaca.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.