Muqdisho – (warsoor) – Fadhigii golaha wasiiradda ee maanta ayaa lagu ansixiyey xubnaha guddida saxaafadda Soomaaliya oo ka kooban 9 xubnood oo iskugu jiray xubnaha saxaafadda madax-banaan, kuwa dawladda, ururadda bulshadda iyo qareeno.
Xubnaha guddidan la ansixiyey ayaa kala ah:
- Cabdiqaadir Maxamed Faarax “Dulyar”
- Ismaaciil Sh Khaliifa
- Cabdiraxmaan Yuusuf Sh “al-cadaala”
- Maxamed Barre X Fiyoore
- Cabdinaasir Axmed Sh Bashiir “saxansaxo”
- Cumar Mustafa
- Cabdikariim Maxamed Xasan
- Falxad Fuleyl X Daahir
- Maryama Cabdi Axmed
Sida uu dhigaayo xeerka saxaafadda ee dhawaan la ansixiyey iyo wareegtaddii madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud uu ku meel-mariyey ayaa shaqadoodu noqon doonta sidii ay u marayn lahaayeen arimaha saxaafadda dalka.