Berbera – (warsoor) –
Madaxweynaha oo weli ku gudo jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta salaadda Jimcaha shacabka kula tukaday masji-jaamaca weyn ee magaalada Berbera oo ay buux-dhaafiyeen dadweyne aad u tiro badan.
Shacabka maanta ku sugnaa masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynuhu kala qayb-galo salaadda Jimaca, waxana ay fursad u heleen inay madaxweynaha salaamaan.