New York – (warsoor) – Maareeyaha guud ee shirkadda Facebook ayaa lagu soo oogay maxkamad ka dib markii shirkadda Facebook uu hoos u dhac aad u weyne ku yimid saamigii ay shirkaddu ku lahayd suuqyadda caalamka. dacwadda lagu soo oogay Mark Zuckerberg Jimcihii ayaa soo baxay ka mid markii war-murtiyeed ka soo baxay shirkaddu uu shaaciyey in uu lumay saami hantiyeed oo dhan $120 bilyan oo dollar.
Saamiile James Kacouris ayaa dacwad uu u gudbiyey Maxkamadda federaalka Maraykanka ayuu ku eedeeyey in Mareeye Mark Zuckerberg, agaasimaha guud ee maaliyadda shirkadda Facebook David Wehner iyo shirkadda facebook laftigeedu ay mar-habaabiyeen saamilayda shirkaddda, ka dib markii ay ka been sheegeen hoos u dhaca kii kordhaaya ee ku yimid dakhliga shirkadda, hawlihii shirkadda oo gaabsi ku dhow iyo hoos u dhac ku yimid dadka sida joogtadda ah u isticmaala Facebook-ga.
James Kacouris ayaa sheegay inay argagax ku noqotay saamileyda shirkadda ka dib markii ay cadaatay in saamigii shirkaddu ay suuqa ku lahayd uu hoos u dhac aad u weyn ku yimid, waxaanu sheegay in hoos u dhaca ku yimid ee boqolkiiba 19 ahi uu yahay mid ku xad-gudbaya heer dheefta ee ku xeeqan xeerka dhawryaha dheefta saamilayda.
