Boqolaal ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xanniban Liibiya oo isu diiwaan geliyay inay ku soo laabtaan Dalkooda

Tripoli-(warsoor)-Waxaa illaa iyo hadda la diiwaan galiyey 230-dhallinyaro ah oo Sanado badan ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalo waddanka Liibiya, dhalintan ayaa diyaar u ah in lagu celiyo wadankooda hooyo.

Cali Siciid Fiqi safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya kana mid ah Ergada dawladda Soomaaliya u wakiilatay arrimaha soo celinta dhalinyarada dibadda ku xiran ayaa sheegay in todobaadka soo socodo ay dalka ku soo celinayaan qaybta ugu horraysa, iyaga oo kaashanaya hayโ€™adda muhaajiriinta ee IMO.

Horay dowladda Soomaaliya laba jeer ayay dalka Liibiyaan kaga keeneen Soomaali ku dhibaateysanaa xabsiyada waddankaasi, wadamada Seychelles India & Ethiopia ayaa kamid ahaa waddamada kale ee laga keenay Soomaali ku xirnaa xabsiyada dalalkaasi,

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay u soo celin laheyd Soomaalida ku dhibaateysan waddamada caalamka haba ugu darnaate waddanka Liibiya oo dowlad aan awood badaneen ka jirto tan iyo markii xilka laga tuuray Qadafi taasi oo sabab u noqotay in lagu dhibaateeyo Muhaajiriinta nolosha u raadinaya Yurub oo ay Soomaalida kamid tahay.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.