Hargeysa โ (warsoor) โ Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa beenisay warqad been abuur ah oo laga baahiyey, wasaaradda ayaa sheegay in aanay warkaasi ahayn mid sal iyo raad leh.
Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in warqaddani ay tahay wax la iska malmaluuqay oo aan beer abuur ah, waxaanu sheegay in arintaasi cidii ka dambaysay ay baadhayaan ciidamada CID-da cidii lagu helo dambigaasina ay mutaysan doonaan ciqaab.
Warqad been abuurka ah ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire uu u qoray Raโiisal Wasaaraha Itoobiya. Balse warqaddan ayaa noqotay mid aan waxba ka jirin oo ah warqad la been abuurtay.
Halkan ka daawo shirka jaraaโid ee Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland: