USA – (warsoor) – Hay’adda Dambi baadhista Federaalka Maraykanka ee FBI-da ayaa maalinimaddii Arabacada waxaay sheegtay in aanay soo bandhigi doonin macluumaadka ay is waydaraasadeen dawladda Maraykanka iyo hababkii farsmo ee uu adeegsaday qofkii jabiyey lambarka sirta ahaa ee ku xidhnaa Telefonkii ay FBI-du doonayso in loo furo.
War-murtiyeed uu soo saaray kalkaaliyaha Agaasimaha Guud ee FBI-da Amy S. Hess ayaa sheegay in markii hayadda FBI-du ay soo kiraystay ciddii kale oo jabisay lambarka sirta ah ee ku xidhnaa Telefoonka iPhone-ka aanay
ka iibsan xaquuqda farsamo ee loo adeegsaday jabinta telefoonkaas.
Kalkaaliyahan ayaa sheegay in haayadda FBI-du aanay haynin macluumaad ku filan oo la xidhiidha farsamadda looga faa’iidaystay goldaloolooyinka Telefoonka iPhone-ka.
Telefoonkan iPhone-ka ah ee wax la iska waydiinaayey ayaa waxaa lahayd Waaxda Caafimaadka ee degmadda San Bernardino, waxaana la siiyey shaqaalaheeda oo ahaa Syed Farook kaasi oo isaga iyo Xaaskiisa Tashfeen Malik ay
weeraray ay gaystay dabayaaqadii bishii December waxay ku dileen 14 qof waxaana ku dhaawacmay 22 qof oo kale.
Dhanka kale saraakiisa FBI-da ayaa ilaa hadda aqoosan cidda heshiiska ay la galeen farsamadda uu adeegsaday ee uu ku furay telefoonka, Saraakiisah shuruucda qaabilsan ayaa sheegay in ay dhici karto in FBI-du ay dib ugu isticmaali karto telefoonadda kale inay ku furto farsamadda ku shaqaysay in lagu furo telefoonadda kale.