Dilla – (warsoor) – Wararka ka imanaya magaaladda Dilla ayaa sheegay in iska hor imaad ka dhashay kulan ay maanta xisbiga WADDANI ku qabteen magaaladaas uu ku dhintay hal wiil oo dhalinyaro ah.
Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay taageerayaal kala taageersan xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE.
Ciidamadda ammaanka ayaa isku dayey inay kala daraariyaan dhalinyaraddan iska horyimid, waxaa la sheegay in boolisku adeegsaday rasaas si uu u kala dirro taageerayaasha labada xisbi. Rasaasta ayaa haleeshay will dhalinyaro ah, waxaana la sheegay inuu ku dhintay goobta.