Muqdisho-( warsoor)-Raysal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay muhiim tahay in la diyaariyo Shuruuc qexeysa sida ugu haboon ee Kheyraadka Dalka looga wada faa’ideysan Karo.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in ay dejinayaan qorshe kala Xadeynaaya Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isaga oo sheegay in cid walba Xaqa ay leedahay uu noqon doono Mid cad oo aan mugdi ku jirin.
“Madaama uu dalka uu qaatay nidaamka Federaalka waxaa qasab ah in la dejiyo Shuruuc qayaxaysa sida loo qeybsan lahaa Kheyraadka waana muhiim in lakala ogaado maxay Dowlad goboleedyada Xaq uleeyihiin Maxayse Dowladda Dhaxe Xaq u leedahay” waxa sidaas yidhi Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Raysal-wasaare Ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumadda Cusub ay xoog saari doonto sida ay u dajin lahayd shuruucdii kala xadeyn lahayd dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhaxe isaga oo xusay in ay la kaashan doonaan khuburo calaami ah , anagoo tusaale ka dhigana doona dowladaha horay u qaatay Nidaamka
