๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ

MUQDISHO – (WARSOOR) – Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhawr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo la filayo in dhowaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho daah-furan oo caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka. Wuxuuna tilmaamay in aan la aqbali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay guddiga in ay ka feejignaadaan dhinac gaar ah in ay la saftaan.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niyad jabiyo is qabqabsi fursadaha jira lumiya.

Dhinaca kale, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in Wasaaradda iyo Xiriirka laga doonayo abaabulka cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana jiilalka soo kacaya loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.-