HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maal-mihii u dambeeyey safarka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag oo ay wehelinayaan Wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Gudaha, W/K/X Maalgashiga, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Xildhibaano, ayaa maanta ka qayb galay, goob-joogna ka ahaa munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynaayey qaybtii u horraysay ee Ciidanka Madaniga ay iyo gadiidkoodii dagaalka.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa Ciidamada u qaabiley si kal furran, waxanay u sheegaan in ay ka mid yihiin saacada laga bilaabo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumadda WADDAJIR iyo WAX-QABAD iyada oo fullinaysa ballan-qaadkii hore ee ahaa in ay qaramayn doonto Ciidamada Madaniga ah, ayaa waxaa ay maanta qaramaysay wajigii koowaad ee ciidamadaasi, iyada oo maal-maha soo socdana la qarameyan doono cutub-yo kale oo kamid noqon doona Ciidanka Qaranka JSL.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, ,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝