๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐ž๐ ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Asluubta ee badhtamaha caasimadda Hargeysa.

Madaxweynuhu markii uu halkaas tegay waxa soo dhaweeyey oo qaabilay taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), waxana uu salaam Sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka Asluubta, isaga oo kormeer iyo indho indhayn ku sameeyey qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay.

Ugu horrayn, taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha soo dhaweeyey, waxana uu warbixin kooban ka siiyey hawlaha muhiimka ah ee ciidanka qaranku u hayaan bulshada iyo sida ay u daryeelaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo halkaas ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanaya, ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada Asluubta, waxana uu sharraxay muhiimadda ay qaranka ugu fadhiyaan, waxana uu yidhi,

โ€œCiidamada Asluubtu waa hayโ€™ad muhiimad gaar ah u leh ilaalinta badqabka iyo amniga dadweynaha, xilgudashadiina ayaana udub-dhexaad u ah adkaynta sharciga iyo kala dambaynta, Waan idinku bogaadinayaa inaad waajibkaas kasoo baxdeen, shaqadiina iyo waajibka aad qaranka u haysaanna haynta maxbuuska oo kaliya ma aha, waxana uu Dastuurku idiin xilsaaray toosinta akhlaaqda iyo dhaqan-celinta maxbuuska.โ€

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay sida ay xukuumadda uu hoggaamiyaa muhiimadda u siinayso ciidanka Asluubta, waxana uu caddeeyey in mushahar-kordhinta iyo daryeelka ee ciidamada loo samayn doonaba ay qayb ka noqon doonaan,โ€œsi ay hawshaasi idiinku suuragasho waxa aannu idiin dhisi doonnaa aqoonta, waayo aragnimada iyo qalabka ciidanka asluubta, sida oo kale waxa aad ciidamada kale ee dalka kala mid noqon doontaan mushahar kodhinta iyo daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada,โ€ ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu shaaciyey in la xoojin doono waxbarashada maxaabiista, lana bilaabi doono manhaj gaar u ah waxbarashada maxaabiista, waxana uu yidhi, โ€œSidoo kale waxa aannu xoojin doonaa waxbarashada ay maxaabiistu ku helaan xabsiyada dhexdooda iyada oo dhawaan la bilaabi doono dejinta manhaj u gaar ah waxbarashada maxaabiista, waana hindise aynu doonayno inaynu ku wanaajinno mustaqbalka maxbuuska.โ€

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la dhisi doono xabsiyo gaar ah u ah haweenka iyo carruurta maxaabiista ah, taas oo baahi weyn loo qabo, si loo yareeyo dhibka haweenka iyo carruurtu ku qabaan xabsiyada.

Kormeerka uu sameeyey madaxweynaha qaranku waxa ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, arrimaha gudaha, caddaaladda, la taliyaha madaxweynaha ee Amniga qaranka iyo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex.

Wa-bilaahi Tawfiiq


President of the Republic of Somaliland Visits the Headquarters of the Somaliland Custodial Corps.

The President of the Republic of Somaliland, His Excellency Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), conducted an official visit today to the headquarters of the Custodial Corps in the heart of the capital, Hargeisa.

Upon arrival, the President was warmly welcomed by the Commander of the Custodial Corps, Major General Ahmed Awale Yusuf (Libaah), who received him with a ceremonial salute presented by units of the Custodial Corps. The President proceeded to inspect various sections of the headquarters to assess its operations and facilities.

The visit commenced with a welcoming address from Major General Ahmed Awale Yusuf, who provided the President with an overview of the critical responsibilities undertaken by the Custodial Corps, including their role in public safety and the rehabilitation and care of detainees.

In his remarks, President Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro) commended the Custodial Corps for their invaluable service to the nation and highlighted their essential role in maintaining security and order. The President stated:

โ€œThe Custodial Corps is a vital institution that ensures the safety and well-being of our citizens. Your dedication to duty is the backbone of law enforcement and public security. I commend you for fulfilling this noble mission. Beyond detaining offenders, your constitutional mandate includes rehabilitating and reforming inmates to reintegrate them into society.โ€

The President reiterated his administrationโ€™s commitment to supporting and strengthening the Custodial Corps. He announced plans to enhance their working conditions through salary increments, improved welfare, and professional development opportunities. The President explained:

โ€œTo enable you to carry out your duties effectively, we will provide the necessary training, resources, and support. Furthermore, the Custodial Corps will benefit from salary increases, as well as access to healthcare and education benefits, aligning with those of other security forces in the country.โ€

President Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro) also unveiled plans to improve the educational programs available to inmates, including the introduction of a specialized curriculum aimed at fostering their personal development.

The President remarked:

โ€œWe will enhance the education programs provided within prisons, with the aim of equipping inmates with skills and knowledge for a better future. A tailored educational curriculum for prisoners will soon be implemented as part of this initiative.โ€

Additionally, the President emphasized the urgent need for the construction of dedicated facilities for female and juvenile detainees. He acknowledged the challenges faced by women and children in existing facilities and pledged to address these issues as a priority.

The President was accompanied on the visit by key officials, including the Ministers of Defense, Interior, and Justice, as well as his National Security Advisor and the Governor of Maroodi-Jeex Region.

Hussein Adan Igeh (Deyr),

Spokesman for the President of the Republic of Somaliland