𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐮𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧

HARGEYSA – (WARSOOR) – Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa aan halkan hambalyo diirran uga dirayaa dhammaan Ummadda reer Somaliland, gudaha iyo dibeddaba, iyo Ummadda kale ee Muslimiinta ah ee ku kala nool daafaha Dunida, Munaasibadda Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan awgeed.

Waxa aan dhammaan Ummadda reer Somaliland ku boorinayaa in ay ka faa’iidaystaan fursaddan qaaliga ah ee Bisha Barakeysan ee Ramadaanka in ay la yimaaddaan cibaado, isa-saamaxaad, samafal, iyo isu naxariisasho, taasi oo xoojinaysa Midnimada iyo Wadajirka bulshadeena.

Sida oo kale, waxa aan dhammaan Ummadda Muslimiinta ah Allah SWT uga baryayaa in uu ka aqbalo Soonka, Salaadda, iyo Acmaasha wanaagsan ee ay la yimaaddaan inta lagu jiro Bisha Barakeysan, isla markaana uu ka dulqaado dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta Ummadda Muslimiinta ah


𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝