𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋, 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝟑𝟏-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐚𝐬𝐚𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ayaa khudbad ka jeediyey munaasibada aasaaska ciidanka qaranka Somaliland.
khudbadd madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM,

Geesiyada Ciidamada Qaranka, rag iyo haweenba, idinka iyo qoysaskiinaba waxa aan halkan idiinka soo dirayaa hambalyo kal iyo laab ah iyo duco munaasibadda 31 guurada aasaaaska Ciidanka Qaranka awgeed.

Walaalayaal,

Waxa aad tihiin Daljire-yaal iyo Dirane-yaal naftooda iyo noloshoodaba u huray difaaca, bedbaadada, Jiritaanka iyo Ilaalinta amniga iyo xasiloonida ay maanta ummadeena Somaliland ku naaloonayaan.

Waa idinka kuwa noo suurto geliyay in aanu ku seexano nabad, in aanu tijaarad iyo ganacsi galno, in caruurteena iyo dhallinteenu ay wer-wer la’aan ku tagaan goobaha Waxbarashada. Waa idinka kuwa inoo suurto galiyey in aynu doorashooyin galno, dalkeenana ay ka hirgalaan hannaanka dimuqraadiyaddu.

Walaalayaal,

Muddo ka badan 30 sanno waxaad ahaydeen, ahaana doontaan udub-dhexaadka dhismaha Qaranka JSL, waxaanad ku bixiseen dhiig iyo naf-hurid aan qiyaas lahayn, Qarankeena Barakaysanina idinka la’aantiin muu gaadheen halka uu maanta joogo.

Walaalayaal,

Qofka kasta oo ah muwaadin Somaliland waxaad ka mudan tihiin xurmo iyo xaq-siin aan weligeed duugoobayn. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay waxa ka go’an daryeelka idinka iyo qoysaskiinaba xag nololeed iyo xag horumarba. Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad sii kordhisaan juhdiga, dedaalka, feejignaanta iyo difaaca Qarannimadeena.

𝐂𝐈𝐈𝐃𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐒𝐋 𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐋𝐀𝐘𝐒𝐓𝐀𝐀𝐍,

𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐋𝐀𝐘𝐒𝐀𝐓𝐎.